Australia Dibaddeeda

Cid kasta oo isku dayda inay Australia ku timaaddo si sharci-darro ah doon dib ayaa loo celin doonaa ama waxaa loo celin doonaa waddankoodii hooyo.

Xudduudaha Australia cid kasta way ka xiran yihiin oo isku dayda inay Australia ku timaaddo si sharci-darro ah, wayna sii xirnaan doonaan.

Ma jirto wax faai’do dhaqaale ah oo laga dheefayo in laysku dayo in Australia lagu yimaado si sharci-darro ah.

Yaysan ku sirin beenta tahriibeyaasha dadka, lacagtaada keliya bay kaa qaadan doonaan.

Isku dayidda in Australia lagu yimaado si sharci-darro ah doon waa macno darro si xuna waa u khatar.

Howlgallada Xuddudaha Qaraneed

Dowladda Australia way sii–wadaysaa inay hirgeliso tallaabooyinka ilaalinta xudduuda oo adag si looga hortago qasaaraha nafeed ee badda iyo si loo curyaamiyo shabakadaha tahriibinta dadka.

This poster represents the 'you will be turned back' policy. The poster directs the reader to www.australia.gov.au/novisa

Marka la raaco Howlgalka Xudduudaha Qaran, cid kasta taas oo isku dayda inay doon si sharci-darro ah ku timaaddo Australia dib ayaa loogu celin doonaa waddankoodii ay ka soo tageen.

Baroosays-garaynta iyo dejinta Australia uma noqon doonto khayaar cid kasta oo si sharci–darro ah ugu soo safarta doon.

Australia waxay sii–wdaysaa ballan-qaadkeeda ilaalinta xudduudeeda iyo baabi’nta fal dembiyeedka tahriibinta dadka.

Dowladda Australia waxay qabataa howlaha ballaaran ee isgaarsiinta wadanka dibaddiisa ah si dadka loogu sheego inay ka fiirsadaan ku-imaanshaha Australia si sharci-darro ah doon iyo inaysan hooy u noqon doonin Australia.

Sii-daynta Warbaahinta: 1000 MAALMOOD OO XUDDUUDO XOOGGAN OO AMMAAN AH

Ha rumaysan beenta tahriibayaasha dadka

Tahriibeyaasha dadku waxay kuu sheegi doonaan markii muddo la joogo in Australia dabcin doonto siyaasaddeeda. Dowladda Australia ma baddelin mana baddeli doonto mowqifkeeda adag.

Cid kasta oo isku dayda inay Australia ku timaaddo si sharci-darro ah doon lama dejin doono Australia.

Xeerarku qof kasta way quseeyaan – qoysaska, carruurta, carruurta aan-lala-socon, qofka waxbaratay iyo kan xirfad yaqaanka ah. Cid laga reebayo ma jirto.

Lacagtaada hayska qasaarin. Ha rumaysan beenta tahriibayaasha dadka.

Iska–diiwaangelinta UNHCR–ka Indonesia

Dowladda Australia way baddeshey xeerarkeedii khuseeyey dib-u-dejinta qaxootiga ka yimaada Indonesia.

Haddii aad usoo safarto Indonesia aadna iska diiwaangeliso UNHCR–ta Indonesia 1da Luuliyo 2014 ama ka diba, laguuma tixgelin doono dib–u–dejinta Australia.

Tirada boosaska dib–u–dejinta oo ay Australia siiso dadka ka diiwaangashan UNHCR-ta Indonesia ka-hor 1da Luuliyo 2014 ayagana waa la yareeyey.

Xeerarku qof kasta way quseeyaan. Cid laga reebayo ma jirto

Macluumaadka

Macluumaad dheeraad ah

Ka eeg Qaxootiga iyo Banii–adamnimada wixii macluumaad ah oo ku saabsan barnaamijka qaxootiga iyo banii-adamnimada ee Australia.

Ka eeg fiisooyinka Qaxootiga iyo Banii–adamnimada wixii macluumaad ah oo ku saabsan isbaddallada dhawaa oo ku dhaca fiisooyinka qaxootiga iyo banii-adamnimada.

Ka eeg Newsroomka Newsroomka Department of Immigration and Border Protection si aad u hesho wararka cusub oo ku saabsan qaxootiga, baroseesgaraynta wadanka dibaddiisa, howlaha dejinta, barnaamijka qaxootiga iyo banii-adamnimada ee Australia.