Xaashida Macluumaadka: Macluumaadka loogu talagalay dadka hore Australia u-joogey

Waa maxay Howlgallada Xuddudaha Qaraneed?

Waxaa sameeyey Dowladda Australia, Howlgallada Xuddudaha Qaraneed waa howlgalka nabadgelyada xudduudda oo milatarigu-hoggaaminayo oo loola-jeedo la-dagaalanka tahriibinta dadka ee xagga badda iyo ilaalinta xudduudaha Australia.

Australia waxay sii-wdaysaa ballan-qaadkeeda si loo dhammeeyo fal dembiyeedyada tahriibinta dadka iyo ka-hortagga dadka dulman oo khatar-gelinta naftooda kuwaas oo isku dayaya inay doonyo aan-ammaan ahayn ku soo gaaraan Australia.

Waxaa la marayaa ilaa saddex sano oo la ga joogo doontii tahriibinta dadka ugu dambeysey Australia. Dhammaan doonyaha dadka soo tahriibiya oo isku daya inay inay Australia soo-gaaraan waa la qabanayaa dib ayaana loogu celin doonaa waddankoodii ay ka soo tageen.

Waa maxay qorsheyaasha ilaalinta xuddudaha Australia?

Australia waxay hirgelisey tallaabooyinka ilaalinta xudduuda oo adag si loo curyaamiyo oo loola dagaalamo tahriibinta dadka loogana hortago dadka naftooda badda ku qatar-gelinaya, loona ilaaliyo xudduudaha Australia.

Cid kasta taas oo isku dayda inay Australia ku timaaddo doon ayadoon haysan fiiso dib ayaa loogu celin doonaa waddankoodii ay ka soo tageen, dejinta Australia uma noqon doonto khayaar. Haddii qoyskaaga iyo saaxiibadaada ay Australia ugu soo safraan doon ayagoon haysan fiiso lama dejin doono Australia.

Xeerarku ma quseeyaan cid kasta?

Haa. Cid kasta taas oo isku dayda inay Australia ku timaaddo doon ayadoon haysan fiiso dib ayaa loogu celin doonaa waddankoodii ay ka soo tageen. Xeerarku qof kasta way quseeyaan – qoysaska, carruurta, carruurta aan-lala-socon, qofka waxbaratay iyo kan xirfad yaqaanka ah. Cid laga reebayo ma jirto.

Ha rumaysan tahriibiyeyaasha dadka, been bay sheegayaan…

Waan ogsoonahay tahriibiyeyaasha dadku inay sii wadayaan u-sheegidda beenta dadka quusta ka jooga si ay Australia hooy ugu noqoto. Tahribiyeyaasha dadku waxba maahan waa danbiileyaal kuwaas oo nolosha qoyskaaga khatar gelinaya, kana qaadan doona lacagtooda.

Tahribiyeyaasha dadku waxay u sheegi doonaan saaxiibadaa inay fududahay in Australia la tago, ama in siyaasadaha la debcin doono. U-sheeg inaysan rumaysan beentooda! Australia hooy kuuma noqon doonto adoon fiiso sax wadan. Dowladda Australia ma baddelin mana baddeli doonto mowqifkeeda adag.

Tahribiyeyaasha dadku waxay u sheegi doonaan inaan shuruucdaani ayaga quseyn ama in sharcigu uu dhawaan isbaddeli doono. Shuruucdu way quseeyaan saaxiibadaa iyo qoyskaaga, cid laga daynayona ma jirto. Ha u-ogolaanin inay baxaan!

Cid kasta oo isku dayda inay Australia si sharci-darro ah doon ugu soo safarto Australia lama dejin doono Australia. U-sheeg qoyskaaga iyo saaxiibadaada inay mar labaad ka fiirsadaan arintaas ka-hor intaysan iska qasaarin lacagtooda.

Sidee baa dadka aan jeclahay Australia uga dhigan karaan hoygooda?

Dadka doonaya in dib loo-dejiyo Australia ama kuwa saaxiibo iyo qoysas ku leh doonaya in dib loo-dejiyo Australia waa inay xusuustaan inay jirto hab sharciyeed lagu yimaado Australia. Haddii aad isku daydo inaad Australia si sharci-darro ah ku timaaddo Australia kuuma noqon doonto hooy.

The Department of Immigration and Border Protection wuxuu leeyahay barnaamijyada dib-u-dejinta dibadda 9offshore), taas oo qayb ka ah Barnaamijyada Qaxootiga iyo Bani-adanimada ee Dowladda Australia. Barnaamijyadaas waxaa ku jira dib-u-dejinta dadka u-baahan caawimadda banii-adamnimada ee Australia kuwaas oo aan haysan xal waara oo ayagu ay heli karaan.

Dadka aan xaqa u yeelan barnaamijyada dib-u-dejinta dibadda (offshore), oo doonaya inay Australia yimaadaan si ay uga shaqaystaan, waxaad u baahan doontaan inaad codsataan fiisada shaqada.

Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hababka socdaalka sharciga ah ka eeg Department of Immigration and Border Protection website-ka: http://www.border.gov.au/